MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Kooxda reer France ee PSG ayaa war kasoo gaartay dhaawicii dhawaan soo gaaray xidigaheeda Neymar iyo Mbappe.
Neymar ayaa dhaawac muruqa ah looga saaray kulankii uu xulkiisa 1-0 uga adkaaday Cameroon halka da’yarka isna dhaawac garabka ah uga baxay ciyaartii uu xulkiisa goolka madiga ah uga adkaaday Uruguay.
Paris Saint-Germain ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay in labadeeda laacib ay u baahan yihiin tijaabooyin dheeri ah ka hor kulanka Champions League oo ay isbuuca soo socda ku wajihi doonaan Liverpool.
Inkastoo ay kooxdu xaqiijisay in dhaawacyda gaaray Neymar iyo Mbappe uusan ahayn mid halis ah misane waxay xaqiijisay in la dabiibi doono ka hor inta aan la go’aamin haddii ay taam u yihiin kulanka Reds ee 28-ka bishan November ah.
