RW Xamsa Cabdi Barre oo xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa saakay xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile oo dhismo ballaaran lagu sameeyay, waxaa wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Dayniile iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaas ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Wasiirrad katrisan Xukuumaddiisa iyo Duqa Muqdisho ee Dayniile u tagay Xarrig jarka waddada Laamiga ah ee muddo howshiisu socotay.

Waddadaan waxa ay muhiim u tahay isu socodka Isgoyska Kulliyaddii Jaalle Siyaad ilaa Xarunta Degmada Dayniile, waxaana lagu xiray nalalka ku shaqeeya Ilayska Cadceedda iyada oo  Dadka Degmadaas la faray in ay ka shaqeeyaan nadaafadda Waddadaas iyo wax weliba oo dhibaato ku ah bilicda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Waa maxay ujeedka safarka MW Xasan Shiikh ee dalka Itoobiya?

Read Next

Qiimaha Shidaalka Adduunka oo u kacay colaadda dib uga qaraxday bariga Dhexe