Waa maxay ujeedka safarka MW Xasan Shiikh ee dalka Itoobiya?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka qotoda dheer ee diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan xafiiskiisa kula yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin, iskaashiga dagaalka AS, Xiriirka Ganacsiga iyo Ilaalinta Amniga gobolka Geeska Afrika.

Maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha ayaa safaro ku kala bixiyay dalalka dariska Soomaaliya sida Kenya iyo Jabuuti.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maamulka Waqooyi Bari oo hubka sharci darrada ka mamnuucay deegaannadaasi

Read Next

RW Xamsa Cabdi Barre oo xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile