Real Madrid oo ku raad joogta saxiixa Lago Aspas.

Gooldhaliyaha kooxda Celta Vigo ayaa soo jiitay indhaha tabaraha cusub ee kooxda Real Madrid Solari.

Aspas ayaa bandhig cajiib ah sameeyay kulamadii uu ka ciyaaray horyaalka La Liga xili ciyaareedkan waxaana markan uu dalab lama filaan ah ka helay kooxda Madrid.

Aspas ayaa 22 jeer shabaqa soo taabtay 34 kulan oo uu u saftay Celta xilli ciyaareedkii hore kooxdiisa Celta Vigo.

Xidigii hore ee Liverpool ayaa suuragal ah in uu ku biro kooxda Madrid bisha janaayo marka uu furmo suuqa.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Chelsea oo isha ku heysa saxiixa Denis Suarez.

Read Next

Saraakiil reer Gaza ah oo sheegay in Israeli ay dileen 7-ruux