MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Ammaanka guud ee Ismaamulka Mandheera ayaa aad loo adkeeyay iyada oo halkaas uu joogo Madaxweynaha Kenya, William Ruto oo lagu wado in uu ka jeediyo Khudbad uu uga hadlayo xaaladda guud ee dalkiisa iyo xuska maalinta gaar ah ee Madaraka loogu yeero.
Madaxweyne William Ruto ayaa dad badan oo ku sugan Garoonka Kubadda Cagta ee Wajeer u jeedin doonna Khudbad iyada oo sare loo qaaday nabadgalyada Ismaamulkaas maadaama ay dhowr jeer horay weerarro uga gaysteen AS.
Maalinta la xusayo ee Madaraka Day waa maalin xuskeeda uu soo jireen ahaa tan iyo 1dii June sanadkii 1963dii, waa maalin u gaar ah in la maamuuso awoodda ismaamullada oo ka dhashay nidaamkii gumaystihii Ingiriiska ee dalkaas soo isticmaarsaday.
Waxaa la joojiyay isu socodka Gaadiidka iyo Dadka Magaalada Wajeer maadaama Madaxweynaha Kenya, William Ruto iyo mas’uuliyiin kale ay joogaan, Ciidamo dheeraad ah ayaa la dhigay dhinaca Xadka Soomaaliya.
Madaxweyne Ruto ayaa khudbaddiisa uga hadli doonno xaaladda guud ee dalkiisa, siyaasadda, awoodda ismaamullada & arrimo kale oo muhiim ah sida ay shaaciyeen ilo ku dhow Madaxtooyadiisa.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
