Qalabka dhiigga lagu baaro oo ku yaraaday Gobolka North Rift ee Kenya & Bukaanno arrintaan darteed u dhintay

Warbaahinta Kenya qaarkood ayaa bannaanka soo dhigtay macluumaad la xiriira yaraanta qalabka loo adeegsado baarista Dhiigga oo ku yaraaday Gobolka North Rift ee dhaca Galbeedka Dalkaas, waxaana arrintaan darteed u dhintay bukaanno u baahnaa daryeel iyo qalliin.

Dhaqaatiirta qaar ayaa ku qasbanaaday in ay joojiyaan qaliimada naf-baadinta ah maadaama qalab iyo walxo kale oo muhiim u ah la socodka xaaladda Bukaanka aanay yaallin Gobolka North Rift sida Warbixinnadu muujinayaan.

Dadka ugu badan ee dhimanaya waa kuwa la xannuunsanaya cudurrada sida Kansarka, AIDS-ka, Cagaardhowga iyo cudurrada kale ee Bulshada ku faafa sababo la xiriira daryeelkaas ay u baahnaayeen oo ay u waayeen kiimikooyinka & qalabka kale ee loo adeegsado baarista dhiigga.

Waxaa kale oo adkaatay in la hubiyo baarista dhiigga ay ku deeqeen dadka raba inay ehelkooda u shubaan, waxa ay qaylo-dhaan xooggan kasoo yeertay Isbitaalka ugu weyn ee Magaalada Eldoret ee Gobolka North Rift si Dowladda Dhexe ay arrintaan usoo farageliyo.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Itoobiya oo maanta ka dhacaysa doorashadii ugu liidatay dalkaas tan iyo 1991dii  

Read Next

Ammaanka Wajeer oo aad loo adkeeyay & MW Ruto uu uga qaybgalaya Munaasabadda Madaraka