Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya
Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa howlgallo lagu adkaynayo Ammaanka ka sameeyay xaafadaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Ujeedka ayaa ahaa adkaynta ammaanka maadaama Magaaladaas dhowaan la filayo in ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka ugu sarreeya Maamulka Koofur Galbeed isla markaana looga hortago falalka amniga liddiga ku ah.
Baydhabo waxaa dhawaan weerar ku qaaday ciidamo la sheegay in ay ka amar-qaataan Madaxweynihii isaga baxay magaaladaas waa Cabdicasiis Laftagareen, wixii ka dambeeyay dagaalkaas waxaa la kordhiyay amniga xarunta Gobolka Baay.
Ma jiro war kasoo baxay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxaa sidoo kale la kordhiyay baraha hubinta Gaadiidka iyo Dadka la socda si looga hortago falalka nabadgalyada kahor imaanaya.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
