Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada Muqdisho waxaana Ankara ay u diyaargaroobaysaa isbaddelka cusub iyo waaya shaqo ee danjiraha cusub ee lagu magacaabo Ferhat Alkan.

Danjiraha cusub ee shaqada la wareegayo waxa uu kasoo shaqeeyay Afghanistan, Mareykanka, Shiinaha, Liibiya iyo Mozambique, waxaana intaas u dheer waaya aragnimo 25 sano ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka shaqaynayay.

Waxa uu kasoo shaqeeyay Dalalka colaadaha ka jiraan Sida Afgaanistaan, Liibiya & Ciraaq waxaana horyaalla ka shaqaynta howlihii uu ka tagay Danjiraha shaqadiisa diblumaasiyadeed dhammaystay ee Alper Aktaş.

Turkiga waxa uu door firfircoon ku leeyahay siyaasadda, dhaqaalaha iyo Amniga Soomaaliya, waxa uu tababaraa ciidamo gaar ah, Ankara ayaa ku howlan soosaarka shidaalka Dalka, halka ay socoto dhismaha saldhigga Militari uu dalkaas ku yeellanayo Soomaaliya.

Danjiraha cusub waxa uu shaqada la wareegi doonnaa iyada oo siyaasadda Soomaaliya ay ku kala qaybsan tahay aragtidii dalkiisa laga qabay maadaama ay jiraan dad qaarkood dhaliilsan halka kuwo kale ay taageersan yihiin howlaha Ankara ee Dalka ka waddo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

Read Next

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa