Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii looga maarmi lahaa Deeqaha dalalka kale ay ka hesho Soomaaliya, isla markaasna loo gaari lahaa isku filnaashiyo.
Mr Bashiir oo ka qeyb galay shir looga hadlay Isbeddelka Cimilada dalka oo ka qabsoomay Muqdisho ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in aysan ku tiirsanaan deeqaha caalamiga ah.
“Ma jiro Wasiir ama Ganacsade aan ku deeqin Booyado biyo ah, taas ayaa keentay in ay yaraadaan ku tiirsanaanta Deeqaha dadka kale” ayuu yiri Wasiir Bashiir.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Marka loo qeybiyo saddex qeyb waa in Soomaalida qaataan laba qeyb in ay Ummadda Soomaaliyeed is caawiyaan”
Hadalka Wasiir Bashiir ayaa ku soo aadaya xilli Deeqaha Caalamka ay sii yaraanayaan, sabab la xiriirta isbaddelka amni iyo binu aadanimo ee ka jira Soomaaliya.
Mustaqbal
