Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen, iyadoo sheegtay in labada dal ay leeyihiin dano iyo xiriir dhow oo ku saabsan amniga badda iyo badqabka maraakiibta isaga kala goosha Gacanka Cadmeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Qurbajoogta Yemen, Dr. Afrah Abdulaziz Al-Zouba, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee ka taagan Yemen.

Intii uu socday wada-hadalkooda, Wasiir Cabdisalaam ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee midnimada Yemen, amniga iyo xasilloonida dalkaas.

Labada wasiir ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Yemen, oo ah laba dal oo deris ku ah labada dhinac ee Gacanka Cadmeed, gaar ahaan dhinacyada amniga badda iyo badqabka maraakiibta iyo isu-socodka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa xustay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee gobolka, oo ay ka mid yihiin Gacanka Cadmeed iyo marinka Baab al-Mandab, kuwaas oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga iyo maraakiibta caalamiga ah.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Wasiir Bashiir Goobe oo ku baaqay in Soomaaliya ka gudubto deeqaha Caalamiga ah