Maxay kawada hadleen Guddoonka Baarlamaanka JFS & Guddiga Dib u eegista Dastuurka Dalka?

Guddoonka Sare ee labada Aqal Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Guddiga u xilsaaran dib u eegista Dastuurka Dalka oo ay kawada ahdleen wax ka baddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa warbixin ka dhagaystay xubnaha Guddigaas.

Xog is dhaafsi kaddib, waxaa Guddoonka Baarlamaanka & Guddiga Dib u eegista Dastuurka Dalka ay wadaagaan jadwalka doodaha lagu soo bandhigayo si uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u guto waajibka ka saaran arrintaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay ugu codeeyay dib u eegista lagu sameeyay cutubyada ugu horreeya ee Dastuurka Dalka, waxaa kahor codaynta la mariyay soo Hadal jeedinta xubnaha Guddiyada, Doodaha Xildhibaannada & Senatarrada, iyada oo ugu danbayn codayn geliyay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

AS oo lagu eedeeyay Dil loo gaystay Macallin & Guddoomiye Xaafadeed katirsan Maamulka Gaarisa

Read Next

Suuriya oo dib u baaraysa Xabsiga Sednaaya & Warqad uu ku qoran yahay Magaca Muwaadin Soomaaliyeed oo la helay