Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa ‘AS’ ku eedeeyay Dil xalay waqti danbe loo gaystay Macallin lagu magacaabo Steve Musili & Guddoomiye Xaafadeedka Hulugho ee Ismaamulka Gaarisa, Cabdifitaax Gaani.
Koox hubaysan ayaa beegsatay Musili iyo Gaani, dilka kaddib waxa ay ka baxsadeen isla goobta, waxyar kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada Ammaanka oo lagu wargeliyay dhacdadaan balse kuma guulaysan in ay qabtaan Kooxdaas.
Dad lagu tuhmayo in ay wax ka ogaayeen arrintaan ayay Hay’adaha Ammaanka Kenya su’aalo waydiinayaan si ay u helaan macluumaad ku filan, waxyaabaha la su’aalayo waxaa kamid ah Koxoda dilka gaysatay, halka ay u baxsatay & inta ay gaaraysay.
Dilal iyo weerarro ka dhacay waqtiyo kala duwan ee Ismaamullada Gaarisa, Mandheera iyo kuwo kale waxaa mas’uuliyaddooda sheegtay AS halka qaar kale ay ka gaabsadeen lagu eedeeyay in ay isla ‘AS’ ka danbeeyeen.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
