Suuriya oo dib u baaraysa Xabsiga Sednaaya & Warqad uu ku qoran yahay Magaca Muwaadin Soomaaliyeed oo la helay

Xabsiga Caanka ah ee Sednaaya ee Suuriya waxa uu kamid ahaa goobaha dunida indhaha ku haysay maadaama tan sanadkii 1987dii oo ah waqtigii la disay dad badan halkaas lagu marsiiyay ciqaab dadka qaar naftooda ay ku waayeen, qaar uu miirkoodu ku tagay & kuwo lixaadkooda ku waayeen.

Dowladda Suuriya ayaa diidday in gudaha loo galo Xabsigaas oo bilihii lasoo dhaafay Dad ehelkodoa ka raadinaya ay galayeen maadaama warqado looga dhex tagay qolalka qaar lagu arkay si loo raadraaco dadkaas xogtooda la la’ yahay.

Dhallinyaro isugu jirta Suxufiyiin & kuwo caan ka ah Baraha Bulshada oo tagay Xabsigaas kaddib markii fasax ay ka qaateen Dowladda Suuriya waxa ay arkeen Warqad uu ku qoran magaca Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Saami Cabdullaahi Axmed oo degenaa Xaafadda Masaakin Barzah.

Intaas kaddib, qisada wiilkaan waxaa ka warramay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suuriya, Sheekhdoon ayaa ka sheekeeyay xogta sababta iyo sida loo qabta wiilkaan Soomaaliga ah kana mid noqday Dadkii lagu xiray laguna ciqaabay Xabsiga Sednaaya ee Dalka Suuriya oo Ajaanib kala duwan iyo muwaadiniin u dhashay Dalkaas lagu xiray.

Waxa uu sheegay in sanadkii kacdoonka uu ka socday Suuriya uu fadhiistay kursi uu ka kacay Nin Suuriyaan ah oo katirsan Mucaaradka, waxaa dul tagay Ciidamo katirsan kuwa Bashaar Al-Asad oo la waayay meel ay geeyeen, raadin dheer kaddib lagu guuldaraystay, markii danbe ayuu tilmaamay in uu xabsiga ku dhintay.

“Wiilkaas qisadiisa waxa ay ahayd mid xannuun badan, waxa uu tagay dukaamada Internetka laga kireysan jiray 2011 ilaa 2013, kursi uu ka kacay Wiil Suuriyaan Mucaarad ah ayuu fadhiistay, waxaa u yimid ciidamo oo halkaas ka kaxaystay,” Sidaasi waxaa yiri, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suuriya, Sheekhdoon.

Waa uu sii hadlay Sheekhdoon waxaana uu yiri “Waan raadinay markii aan soo ogaanay meesha uu ku xiran yahay waa naloo diiday in aan booqano oo aan u gayno daawo maadaama uu qabay xannuunka Sokorta, markii uu dhintay xitaa Maydkiisa waa naloo diiday maadaama ay ka cabsanayeen in la ogaado jirdilka loo gaystay”.

Dowladda Suuriya ayaa la sheegay in ay keensatay khubarro u dhashay Dalka Turkiga si ay u raadiyaan qolalka sirta ah ee godadka dhulka hoose ku yaalla maadaama weli ay maqan yihiin Dad badan kuwaas oo xabsiga uu dhigay Nidaamkii reer Asad ee dalkooda dhibaatada xooggan ka gaystay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay kawada hadleen Guddoonka Baarlamaanka JFS & Guddiga Dib u eegista Dastuurka Dalka?

Read Next

MW Soomaaliya oo ka baaqday shirguddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay