MW Soomaaliya oo ka baaqday shirguddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday shirguddoominta fadhiga guud ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay maadaama Soomaaliya ay tahay Dalka hoggaanka u hayaha.

Shirka Golaha Ammaanka ayaa Caawa ka dhacay Xarunta Golahaas balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u baaqday barafka xooggan ee Maraykanka ka da’ay oo sababay in la joojiyo duullimaadka in ka badan 10 kun oo safar.

Soomaaliya ayaa billowgii Bishaan Janaayo 2026 noqotay Shirguddoonka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, maalmo kaddib waxaa ka idlaanaya muddada ay hoggaaminta haysato, waxa ay awood u haysataa in ay maamusho hannaanka shirka uu u socdo.

Guddoominta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Fadhiga Golaha ammaanka ayaa ah mid la sugayay, Soomaaliya ayaa wacdaro ka dhigtay kursiga doorashada ku yimaado ee Golahaas iyada oo kasoo muuqatay doodo kala duwan dhowaan qabsoomay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Suuriya oo dib u baaraysa Xabsiga Sednaaya & Warqad uu ku qoran yahay Magaca Muwaadin Soomaaliyeed oo la helay

Read Next

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Saybarka Soomaaliyeed