MW Xasan Sheekh & RW Xamsa oo maanta gaaray Laascaanood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Xamsa Cabdi Barre ayaa daqiiqado is xigay ka degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin heer federaal, Heer Dowlad-Goboleed, Isimada Dhaqanka, Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo madax dalka xilal kala duwan kasoo qabatay iyo hoggaanka Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda.

Laascaanood waxa ay galaysaa saacado isugu jira Caleemo-saar Maamulka Waqooyi Bari iyo kulamo guud ah oo Madaxda Dalka ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Magaaladaas ku sugan sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow socdaalka madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa saakay waqti hore gaaray Magaalada Laascaanood, waxa uu qayb ka yahay mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa Caleemosaarka Maamulka Waqooyi Bari.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil “Somaliland innaga ayaa markii hore keennay Laascaanood oo markii danbana ka saarnay”

Read Next

Madaxweyne Xasan iyo RW Xamsa oo caawa ku hoyanaya magaalo u jirta Hargeysa 538 km