Madaxweyne Xasan iyo RW Xamsa oo caawa ku hoyanaya magaalo u jirta Hargeysa 538 km

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa caawa ku wada sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo tillaabadani muujineyso soo kabashada Soomaaliya iyo adkeynta Midnimada dalka.

Tan iyo burburkii Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa noqon doona mas’uulka ugu sarreeya ee booqda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wafdi sare oo ka tirsan Xukumadda Soomaaliya ayaa wehliya Madaxweynaha, iyagoo magaalada Laascaanood ka billaabi doona kulamo ay la yeelan doonaan hoggaanka iyo Bulshada Maamulka Waqooyi Bari, kuwaasi oo diirada lagu saari doono adkeynta midnimada dalka.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku yaalla goob Istaraatiiji ah oo muhiim u ah ilaalinta madaxbannaanida dalka, iyadoo magaalada Laascaanood u jirto Hargeysa 538 KM.

Sidoo kale, ujeedka socdaalka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa qeyb ka ah caleemo saarka Madaxweyne Cabdiqaadir Firdhiye oo la doortay bishii Agoosto sannadkii 2025 tii.

Bishii April ee sannadkii 2025 ayay aheyd markii Ra’iisul wasaare Xamse booqday magaalada Laascaanood oo xilligaasi ka soo kabaneysay dagaalkii dhacay 2023 ee dhexmaday Somaliland iyo dadka deegaanka SSC Khaatumo.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

MW Xasan Sheekh & RW Xamsa oo maanta gaaray Laascaanood

Read Next

Kulamo Laascaanood uga billowday Madaxda Federaalka & Kuwa Waqooyi Bari