Kulamo Laascaanood uga billowday Madaxda Federaalka & Kuwa Waqooyi Bari

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa ka socda kulamo u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Waqooyi Bari si ay isaga kala xog-qaataan mas’uuliyiintaan labada Heer.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ugu darajo sarreeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kale oo Laascaanood la jooga Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Wasiirro katirsan Xukuumaddiisa iyo mas’uuliyiin xilal dalka horay uga soo qabtay.

Kulamadaan socda waxaa xoogga lagu saarayaa sidii loosoo dardargelin lahaa howlaha lagu ballaarinayo Maamulka Waqooyi Bari oo isbaddel muuqda ka sameeyay dhinaca Amniga, Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo dhinacyo kale.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xalay la kulmay Odoyaasha Dhaqanka ee Waqooyi Bari isaga oo kala hadlay doorka firfircoon ay ka qaadanayaan midnimada iyo ka shaqaynta xoojinta Maamulkaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan iyo RW Xamsa oo caawa ku hoyanaya magaalo u jirta Hargeysa 538 km

Read Next

Maxay kawada hadleen MW Xasan Sheekh & Wafdiga ka socda Jabuuti?