Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka hadlay soo dhaweynta Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka ee Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in reer Waqooyi Bari ay isku tashteen kaddib markii ay go’aansadeen in ay isk dulqaadaan dhibaatooyinkii ay ku hayeen Somaliland sida uu hadalka u dhigay.
Garaadka ayaa tilmaamay in markii hore dhaqankooda ay Magaalada Laascaanood hoos geeyeen Somaliland balse ay dib uga soo celiyeen markii ay dhibaatooyin ka gaysteen Xarunta Gobolka Sool sidaasina uu ku billowday kacdoonkii Magaaladaas looga saaray sida uu yiri Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
“Somaliand innaga ayaa markii hore keennay Magaalada Laascaanood isla innaga ayaa ka saarnay Magaaladaan, Dadka Reer Laascaanood way isku tashteen” Sidaasi waxaa yiri Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Duubabka Dhaqanka Waqooyi Bari.
Mustaqbal
