Ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ku xiray dad gaaraya 9 ruux oo ay ku eedeeyeen inay xaflad taageero ah u dhigi rabeen Somaliland sida hadalka loo dhigay.
Dadka la xiray waxaa kamid ah Taliyihii Booliiska Somaliland ee Magaalada Badhan, Sawirqaade iyo Dad kale oo dibadbaxaas ku garab istaagi rabay Somaliland balse ay qabteen ciidamada ammaanka Magaaladaas.
Muranka la xiriira habmaamulka magaalooyin katirsan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa muddo ka dhaxeeya Puntland & Somaliland, labada dhinac ayaa qaaday tallaabooyin uu dhanba dhanka kale ugu muujinayo awoodda uu halkaaas ku leeyahay.
Somaliland ayaa todobaadkaan Maamul u magacawday Magaalooyinka Badhan & Laasqoray, balse kama mid noqon dadka ay xireen ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland sabab la xiriirta in ay u janjeeraan dhanka Somaliland.
Mustaqbal
