Deni “Culayska haysta Hay’adaha Amniga waa in Qofkii ay qabtaan ay daba ordayaan Odoyaal & Saraakiil, waa khatar wayn arrintaas”

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhibaato xal u baahan ku tilmaamay Ergada Hay’adaha ammaanka kasii daysa dadka ay qabtaan oo isugu jira Odoyaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan.

Deni ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid khatar ah, sidaas awgeed waxa uu Nabadoonnada iyo Saraakiisha damaanadda ku sii daynaya Dadka la tuhmo usoo jeediyay in ay usii daayaan Hay’adaha amniga iyo Garsoorka si nabadda loo xoojiyo.

Siciid Deni ayaa sheegay in dhankiisa uu ballanqaadayo in uusan faragelin doonnin howlaha shaqo ee hay’adaha amniga, sidoo kale waxa uu soo jeediyay in loo madaxbannaaneeyo ciidamada amniga oo dhankooda usoo jeediyay in ay sharciga ku dhaqmaan.

“Hay’adaha Amniga waxa uu culays ka haystaa Bulshada, Qofkii lasoo qabtaba waxaa daba ordaya Nabadoon & Mas’uuliyiin Dowladeed oo runtii khatar ah, waxa aan leeyahay haloo madaxbanaaneeyo oo aan aaminno, in aan ku kala dambayno xeerarka aan dhisanay” Sidaasi waxaa yiri Siciid Cabdullaahi Deni, MW DG Puntland.

Hay’adaha amniga Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa muddooyinkii dambe waxa ay culays kala kulmayeen Saraakiil, Madax-dhaqameed iyo mas’uuliyiin kale oo xilal ka haysa Dowlad-Goboleedkaas oo kasii daaya dadka ay ku qabtaan howlgallada ay wadaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Diyaaradaha Maraykanka oo duqayn ka dhan ah ‘AS’ ka gaystay Gobolka Jubada Hoose

Read Next

Ciidamada ammaanka DG Puntland oo xiray Dad abaabulayay Xaflad lagu taageerayo Somaliland