Kismaayo & Qabanqaabada Shirka Mucaaradka

Magaalada Kismaayo Xarunta Kumeelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa ka socota qabanqaabada lagu soo dhaweynayo xubnaha mucaaradka ah ee Magaaladaas berri lagu wado in ay ku shiraan sida wararku sheegayaan.

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa abaabul xooggan gelisay soo dhaweynta xubnaha Mucaaradka ee xilalka kala duwan dalka kasoo qabtay kuwaas oo Magaalada Kismaayo ku qabsanaya shir ay uga hadlayaan Xaaladda Dalka.

Xubnaha Mucaaradka ah oo Xalay Warbaahinta la hadlay ayaa shirka Kismaayo ku tilmaamay mid muhiim u ah howlaha geedi socodkooda siyaasadda maadaama ay si wadajir ah isku arkayaan xubnahaan oo in muddo ah raadinayay fursaddaan oo kale.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la kulmaya mucaaradka uu ku martigelinayo Magaalada Kismaayo, sidoo kale waxa ay halkaas ka jeedin doonnaan khudbado ay uga hadlayaan xaaladda Siyaasadeed ee Dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamada ammaanka DG Puntland oo xiray Dad abaabulayay Xaflad lagu taageerayo Somaliland

Read Next

Suudaan oo raadinaysa isbahaysi ka gacansiiya jebinta Kooxda RSF