Wararka laga helayo Dalka Suudaan ayaa sheegaya in Xukuumadda Khartoum ay raadisay isbahaysi xooggan si ay awood buuxda ugu yeelato jebinta Kooxda Gurmadka degdega ah ee RSF oo garab ka hesha Isutagga Imaaraatka Carabta.
Suudaan ayaa Sacuudiga kala hadashay sidii Boqortooyada Riyadh ay ugu caawin lahayd howlaha farsamo iyo taageerrada caalamiga ah aysan uga maarmi Karin duullaanka ay la damacsan tahay kooxda RSF sida wararku sheegayaan.
Madaxa ugu sarreeya Dowladda taageerrada haysata ee Suudaan waa Janaraal Cabdifitaax Al-burhaan ayaa la kulmay Dhaxal-sugaha ahna Amiirka Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan oo ay kuwada ballameen garab istaagga Riyadh ee Khartoum.
Kooxda RSF ayaa dareemaysa culays xooggan oo uga yimid dhinaca dhacdadii indhaha caalamka soo jiidatay ee lagu xasuuqay dadka ku sugnaa Magaalada Al-Faarish, inkasta oo ay xirtay sarkaalkii dhibkaas gaystay balse waxa ay ku noqotay buro foolka uga taal.
Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa horay ugu loolamay dalal kala duwan sida Yemen, waxaana dhinac weliba uu dhaqaale badan uu ku bixiyay xoojinta garabka uu taageero iyaga oo ka leh dano siyaasadeed oo gaar u ah.

Mustaqbal
