Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa codsi u diray dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho, isaga oo ka codsaday ka qeyb galka doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo gobolka Banaadir.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka codsaday sida ay ugu soo baxeen ciyaaraha, in ay ugu soo baxaan codeynta doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir, oo loo madlan yahay in ay qabsoonto 30 November, 2025, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Qaranka.
“Dadka idin maamuli lahaa, horumarka idin horseedi lahaa, oo dhexdiina ku jira dhallinyaro ah jecel wanaagga, fursad ayaa maanta haysataa ee ku soo saarta,” sida uu yiri madaxweynaha oo ay hareer taagnaayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya.
Dr. Xasan Sheekh oo la sii hadlaya dhallinyarada ayaa yiri, “Gacantiina ayuu go’aanka ku jiraa ee go’aankiina gaara, hoggaankiina cusub doorta, dadka idin matalaya doorta, dhallinayro doorta.”
Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhallinyarada u sheegay in ay maanta haystaan fursad ay ku codeen karaan, taas oo aysan helin waalidkooda, “Waxaa laga yaabaa Aabahaa iyo Hooyadaa in aysan u helin fursad ay ku codeeyaan, adaa maanta u helay ee codeey.”
Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay xiritaanka tartanka ciyaaraha ee degmooyinka gobolka Banaadir, kaas oo ay finaalkiisa isugu soo hareen degmooyinka Warsheekh iyo Howlwadaag oo ku guuleysatay.
Mustaqbal
