Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqay in laga qaybgalo Doorashada Dadweyne ee Dowladaha hoose ee lagu wado in ay billaabato dhammaadka Bishaan Nofeembar 2025.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in doorashadaan ay tusaale u tahay Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Dalka iyo in guud ahaan loo gudbo in shacabku doortaan dadka wakiilka uga ah hoggaamintooda.
Astaamaha wanaagsan ayuu ku sifeeyay in ay kamid yihiin Dadka wax dooranaya iyo mas’uuliyiinta kale ee dooranayaan, tani ayuu ku sifeeyay fursad weyn oo Shacabku u heleen awoodda codbixinta sida uu hadalka u dhigay.
“Bishaan haddii ay dhammaato waxaa bilaabanaysa Doorashada dowladaha hoose, waxaan rabnaa in si weyn loogu soo baxo, Gobolka Banaadir ayaa ugu horreeya, waxa aan rabnaa in Gabdhuhu soo baxaan oo is sharaxaan, sida Waxbarashada fursadda loogu siiyay ayaa tii hoggaamiyeed fursad loogu siiyay” ayuu yiri RW XFS Xamsa Cabdi Barre.
Guddiga Doorashooyinka ayaa horay u sheegay in 30ka Bishaan Nofeembar 2025 in si rasmi ah u billaaban doonto doorashada Dowladaha Hoose, ilaa haatan guddigu wax ka baddel kuma samayn waqtigaas maadaama Mucaaradka Dowladda la heshiiyay uu codsaday 30 cisho oo dheeraad ah oo ay isugu diyaariyaan.
Mustaqbal
