Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Rwanda ka billaabay kulamo lagu xoojinayo xiriirka labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali oo booqasho labo maalmood ah uga billaabatay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda ayaa lagu wadaa in uu la kulmo mas’uuliyiinta Dalkaas.

May be an image of one or more people and text

Wasiir Cabdisalaam ayaa la filayaa in uu kala hadlo xoojinta iskaashiga labada iyo xiriirka diblumaasi ee muddada fog ka dhaxeeya sida lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

May be an image of one or more people and suit

Soomaaliya iyo Rwanda ayaa wadaaga dhibaatooyinka kasoo gaaray dagaallada sokeeye, waxa ay Muqdisho & Kigali rabaan in ay si wadajir ah oo ku dhisan Iskaashiga ka dhex jira u wajahaan wax ka barashada xaaladihii adkaa ee lasoo maray.

May be an image of one or more people and suit

Rwanda & Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kawada shaqaynayeen iskaashigooda maadaama ay xubno kawada yihiin Dalladda Bulshada Bariga Afrika EAC, waxaana kordhay is dhexgalka mas’uuliyiinta labada Dal.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Musharrixiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha Guinea oo la hordhigay $100,000 oo dhigaal ah!

Read Next

Donald Trump oo gaaray Japan, Haddaba maxay kawada hadlayaan RW Sanae Takaichi?