Musharrixiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha Guinea oo la hordhigay $100,000 oo dhigaal ah!

Dalka Guinea ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa tan iyo sanadkii 2021kii gacanta Militariga ku jira, waxa uu qorshuhu yahay in dhammaadka sanadkaan awoodda Shacabka dib loogu celiyo iyada oo ay soo baxayaan shuruudo culus oo saamayntooda leh.

Musharrixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha ayaa la hordhigay in ay bixiyaan lacag dhan 875 Milyan oo ah lacagta dalkaas una dhiganta $100 kun oo doollar, waxaa dhinac yaal shuruud kale oo ah in musharrixii hela in ka badan 5% codadka la wareegga 1aad dib loogu celin doonno dhigaalkiisa lacageed.

Tani waxaa cabasho ka keenay xubnaha xildoonka ah oo sheegay in shuruuddaan ay aad ugu adag tahay maadaama lacagta laga rabo ay badan tahay, waxa ay soo jeediyeen in laga farageliyo oo la dabciyo shuruudahaas adag si ay u xoojiyaan ololaha doorashadooda.

Hoggaanka Militariga ah ee Talada haya ayaa difaacay go’aankaan lacagta badan lagu hordhigay Musharrixiinta, waxa uu ku micneeyay in looga gol-leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa Musharraxa Amaannada Dalkaas lagu aamini karo iyo kan doonaya in uu Bulshadu dib u dhigo.

Doorashada waxa ay ku beegan tahay 28ka Bisha Deseembar ah dhammaadka sanadkaan 2025, kahor musharrixiintu waxa ay xoogga saarayaan ololahooda si Musharrax weliba uu usii helo kasbashada Dadka codaynaya sida hadalka loo dhigay.

Maamulka Militariga ah ee hoggaamiyaha uu u yahay Kornayl Mamady Doumbouya ayaa sheegay in uu xukunku dib ugu celin doonno Shacabka waa haddii la helo Dowlad damaanad-qaadi karta inay u adeegayso Dadkaas kasban kartana Bulshada.

Laga soo billaabo sanadkii 2005tii ilaa hadda waxaa dalkaas musharriixiinta laga dhigi jiray lacago dabaaji ah, waxaa ugu badnaay 50 Milyan oo lacagta dalkaas ah, sanadkii 2010 ayaa la gaarsiiyay 400 oo milyan, maantana lacagtu waa ay kasii badatay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Diyaaradaha Maraykanka oo duqeeyay Saldhigyo Daacish ay ku leedahay Calmiskaad

Read Next

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Rwanda ka billaabay kulamo lagu xoojinayo xiriirka labada Dal