Donald Trump oo gaaray Japan, Haddaba maxay kawada hadlayaan RW Sanae Takaichi?

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo socdaal ku maraya qaar kamid ah Dalalka Qaaradda Aasiya ayaa gaaray Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan, waxa uu la kulmayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dalkaas Sanae Takaichi.

Waxyaabaha ay kawada hadlayaan waxaa kamid ah xoojinta xiriirka labada Dal, Ganacsiga, Maalgelinta iyo Arrimaha Difaaca sida lagu sheegay war hordhac ah oo kasoo baxay Xukuumadaha Tokyo iyo Washington.

Trump waxaa Garoonka Diyaaradaha Haneda ee Magaalada Tokyo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Japan, waxaa aad loo adkeeyay amnigeeda iyada oo la sheegay in la kordhiyay ciidamada sugaya nabadgalyada Madaxweynaha Maraykanka.

Danjiraha Maraykanka ee Japan George Glass ayaa Warbaahinta u sheegay in Dowladdiisa ay diiradda saarayso xoojinta Iskaashiga kala dhaxeeya Aasiya, waxaana uu intaas ku daray in ay ahmiyadda ugu sarreysa siinayaan hirgelinta arrintaas.

Amniga Madaxweynaha Maraykanka waxaa loo adkeeyay si aanay horay loo arag, waxaa la howlgeliyay 18,000 oo Ciidan Booliis ah kaddib markii ay kordheen beegsiga Siyaasiyiinta sidaas awgeedna laga cabsaday in la bartilmaameedsado Hoggaamiyahaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Rwanda ka billaabay kulamo lagu xoojinayo xiriirka labada Dal

Read Next

Hantidhowraha guud ee JFS oo ka qaybgalay Madasha 3aad ee Horumarinta Daahfurnaanta & la dagaalanka Musuqa ee Dowladaha Carabta