Hay’adaha Amniga Puntland ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan duqeyn diyaaradeed oo maanta ka dhacday degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in duqeyntu ka dhacday inta u dhaxaysa magaalooyinka Badhan iyo Ceelbuh, gaar ahaan deegaanka Jinacyo, halkaas oo lagu beegsaday gaari ay saarnaayeen Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi iyo nin kale oo aan weli la aqoonsan.
Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa ku geeriyooday duqeynta, halka qofka kale uu dhaawac soo gaaray.
Weli lama shaacin cidda fulisay duqeynta, taas oo ah tii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ka dhacda dhulka bannaan ee gobolka Sanaag.
Ciidamada ammaanka, oo ay ka mid yihiin qeybaha CID-da, ayaa gaaray goobta si ay u fuliyaan baaritaano dheeraad ah.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco
Mustaqbal
