Dowladda Burkina Faso oo lacagaha Fiisaha ka dhaaftay dalalka Afrika

Dowladda Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday in dhammaan muwaadiniinta dalalka Afrika laga dhaafay lacagaha fiisaha, si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo ganacsiga gudaha Qaaradda.

Wasiirka Amniga Mahamadou Sana oo ka hadlay shir golaha wasiirrada oo uu guddoominayey hoggaamiyaha milatariga ee dalka, Kabtan Ibrahim Traoré, ayaa sheegay in muwaadiniinta Afrika aysan wax lacag ah ku bixin doonin fiisaha marka ay u safrayaan Burkina Faso.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu caddeeyay in dadka safraya kaliya looga baahan yahay in ay Online ahaan ku soo dalbadaan Fiisaha.

Burkina Faso ayaa ku biirtay dalalka Afrikaan ah sida Ghana, Rwanda iyo Kenya oo hore u fududeeyay shuruudaha socdaalka ee dadka qaaradda.

Kabtan Traoré, oo talada dalka qabsaday afgembi militari sanadkii 2022, waxaa ka muuqata inuu ka shaqeynayo mideynta Afrika gaar ahaan waxa la yiraah Pan Afrikan.

Inkasta oo uu taageero badan ka kasbaday qaaradda, gaar ahaan baraha bulshada, haddana waxaa laga sugayaa inuu is badal ku sameeyo xaaladda nololeed ee dalkaan wajahay dhibaatada dhaqaale.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Duqeyn dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Sanaag

Read Next

DG Puntland oo sheegtay in Siciid Deni uu yahay Musharrax u tartamaya Xilka Madaxweynaha JFS