Madaxweyne Xasan Shiikh oo xarig jaray xarruunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka ee Xoogga Dalka.

Militeriga Soomaaliya ayaa yeeshay Xarruun cusub oo ay ku howlgali doonaan taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga, kaasi oo ka shaqeyn doono baarista iyo sirdoonka casriga ah.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaab casri ah loo qalabeeyay xarruunta, qeybna ay ka noqon doonto qorsheynta howlgallada iyo helida xogaha Sirdoon.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska militeriga Soomaaliya ka dhageystay warbixinno la xiriira howlgallada ka dhanka ah AS gaar ahaan dagaalladii ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Hoose.

Kulanka Madaxweynaha la yeeshay Madaxda iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa ku soo aadaya dhawaan Ciidanka dowladda ay ka hortageen weerar ay AS ku soo qaadeen magaalada Ceeldheer.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in la casriyeeyo ciidamada qalabka sida gaar ahaan Militeriga oo ku jira dagaal ka dhan ah AS.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay xilliga la furayo Kalfadhiga 7-aad

Read Next

Duqeyn dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday Sanaag