Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

Soomaaliya ayaa u guuraysa korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda sida uu sheegay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay meertada 2aad ee Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada ee ka socda Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay baahi u qabto adeegsiga Soolar dhabka looga dhaliyo Ilayska Cadceedda si loo daboolo culayska dhanka korontada ah ee looguna guuro nidaamkaan casriga ah.

waxa uu carrabka ku adkeeyay in nidaamka tamarta ee cadceedda uu gaari karo Miyi ilaa Magaalada isla markaana uu meesha ka saari karo farqiga qiimaha korontada, waxa uu dul istaagay caqabadaha dhankaas ka jiro.

Dalal badan waxa ay horay u qaateen tallaabooyin ay uga faa’iidaysanayaan ilayska cadceedda, korontada ay u adeegsanayeen matoorada ayay u rogeen Soolar laga dhalinayo Dab gaari kara guud ahaan Dalalkooda sida ay horay u qaadeen.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

Read Next

Maryan Cabdi Xuseen oo markale dib loogu doortay in ay xubin ka noqoto Baarlamaanka Norway