Garyaqaabka guud ee Dowladda oo Maxkamadda sare ku eedeeyay in ay la safatay dhinaca diidan wax ka baddelka Dastuurka

Garsoorka Maxkamadda Sare ee dalka ayaa lagu eedeeyay in ay ka horyimaadeen danaha Qaranka, isla markaana ay guda galeen dacwado aan loo dirsan sida lagu sheegay war kasoo baxay Garyaqaanka guud ee Dowladda.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dalka ayaa lagu buriyay wareegtadii dhawaan ka soo baxday Maxkamadda Sare ee dalka, taasi oo saameynaysay wax ka badalka Dastuurka Dalka 2026 oo Baarlamaanka cod ku aqbalay wax ka baddelkaas.

Weli waxaa taagan xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xilka ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf oo lagu eedeyay in ay cabasho ka soo gudbiyeen Garsoorka dalka taasi oo dhalisay hadal hayn xooggan.

Doodda Wax ka baddelka Dastuurka Dalka ayaa u muuqata mid cagaha la gashay hay’adaha Garsoorka maadaama aanay jirin maxkamad u gaar ah arrimaha Dastuurka oo marka ay dooduhu yimaadaan dib loogu noqdo si ay u kala saarto dhinacyadaas is haya.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Suudaan iyo Itoobiya oo markale xiisaddooda sii xumaatay

Read Next

Maamulka KGS oo mamnuucay in Rasaas laga dhex rido Qoryooley