Madaxweynaha Israa’iil oo axadda ku dhawaaqaya cidda noqonaysan Ra’iisul Wasaaraha Maamulkaas

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog ayaa 8da bishaan oo Axadda ah ku dhawaaqaya Ra’iisul Wasaaraha soo dhisaya Xukuumadda cusub iyada oo Benjamin Netanyahu lagu garaacay Doorashadii dhacday 27kii October ee sannadkaan.

Gadi Eisenkot oo ah Hoggaamiyaha Mucaaradka ah ayaa haysta 67 Xildhibaan halka Benjamin Netanyahu uu isna haysto 46 Xildhibaan sidaasina loogu saadaalinayo uu halkaas ka dhallan karo Isbaddel Hoggaamiye cusub sida Wararku sheegayaan.

Netanyahu ayaa ku adkaysanaya in uu codad badan oo uu ku heli karay Xildhibaanno ka badan kuwa uu haysto uu heli karay balse faragalin dibadda ah oo doorashadaas lagu sameeyay lagu dhabar jabiyay waa sida uu ku dooddayee.

Waxaa sannadkaan kuraas badan oo lama filaan ku noqotay Benjamin Netanyahu helay Carabta katirsan Baarlamaanka Israa’iil kuwaas oo deegaannadoodu yihiin kuwa ay xoogga ku haystaan Yuhuudda oo si loo waji dhaqo arrintaas darteed kuraas laga siiyay maamulka Yuhuudda.

Hoggaamiyaha isbaddel doonka ah ee mucaaradkana ah waa Gadi Eisenkot ayaa ku goodiyay in uu soo dhisayo Xukuumad Awood buuxda leh oo Isra’iil ka saarta dhibaatooyinka dhaqaale iyo tan amni uu dhexda ka dhigay Benjamin Netanyahu waana tan loo arko in uu sidaasi ku helay Xildhibaannada awoodda maamulka Xukuumadda.

  1. Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

MW JFS “Khilaafaadka Dhexdeenna kuma xalinayno bannaanka”

Read Next

Suudaan iyo Itoobiya oo markale xiisaddooda sii xumaatay