MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qaybgalaya shirka 2aad ee looga hadlayo Isbaddelka Cimillada ee shalay ka furmay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda uu la kulmay waxaa kamid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto isaga oo kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS.

May be an image of 4 people, newsroom and dais

Jabuuti iyo Kenya oo ciidamo ka socda ay joogaan Soomaaliya isla markaana qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayuu si gaar ah kala hadlay in ay xoogga saaraan sidii ay u gacansiin lahaayeen Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso howlgallada lagu sugayo amniga ee dalka ka socda, Iskaashi ayay kala sameyneysaa Dalalka saaxiibada dhow la ah iyo kuwa deriska ah maadaama amni darradu saameyneyso.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Golaha Wasiirrada Nepal oo si degdeg ah u fasaxay isticmaalka Baraha Bulshada oo sababay rabshado dalkaas saameeyay

Read Next

Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda