Maryan Cabdi Xuseen oo markale dib loogu doortay in ay xubin ka noqoto Baarlamaanka Norway

Maryan Cabdi Xuseen oo sanadkii 2021kii diiwaanka ku gashay in ay noqotay Gabadhii ugu horraysay ee Soomaaliya oo xubin ka noqoto Baarlamaanka Norway ayaa markale dib loo doortay iyada oo ka dhigaysa in ay markale heshay codka kalsoonida.

Waxa ay ku dhalatay Soomaaliya, Maryan Cabdi iyada oo Jirta 10 sano ayay qaxooti ahaan u tagtay Dalka Norway oo markii labaad ka noqotay Xildhibaan metalaya Bulshada codka kalsoonida siiyay, waxa ay u ballanqaadday wax qabad kale oo wanaagsan

Sanadkaan waxa ay sanadkii hore uga duwan tahay, waxaa aqalka Baarlamaanka ku wehlin doonna Haashim Muxudiin Cabdi oo Soomaali ah isna ku guulaystay doorashadii Baarlamaaniga ahayd ee Norway ka dhacday.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Almaqsuumi ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ugu hambalyeysay Xildhibaan Maryan Cabdi Xuseen.

“Waxaan halkaan Hambalyo mug leh uga dirayaa Xildhibaan Maryan Cabdi Xuseen oo ku guuleeysatay doorashada Baarlamaanka Dalka Norway ayada oo mar kale loo doortay iney noqoto Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Norway” ayay tiri Wasiir Khadiija.

“Dib u doorashada Xildhibaan Maryan iyo difaacashada kursiga Baarlamaanka dalka Norway waa astaan muujineysa kartida iyo hawlkarnimada Haweenka Soomaaliyeed ay kaga jiraan nolosha bulshada ay la nool yihiin ayadoo mar walba ay Haweenkeenu kaalin weyn oo muuqata kaga jiraan nolosha Bulshada maadaama ay yihiin tiir dhexaadka Umadda. Waxaan Xildhibaan Maryan u rajeynayaa in uu Alle la garabgalo mas’uuliyadda mar labaad loo doortay” ayay qoraalkeeda kusoo gabagabaysay Wasiirka Qoyska XFS.

Sanadihii u dambeeyay waxaa sii kordhayay Soomaalida xilalka kala duwan ka qabanaysa Dalalka ay dhalashada labaad ka qaateen, tani waxa ay muuqaal kale u yeeshay fikraddii laga aaminsanaa marka la eego bulsho ahaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

Read Next

Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya