Xuutiyiinta Yemen oo Sacuudi Carabiya ka dalbaday $51 bilyan si ay uga joojiyaan weerarrada

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudi Carabiya ka dalbatay lacag dhan 51 bilyan oo dollar, iyagoo ku xiray joojinta weerarrada ay ku qaadaan Boqortooyada Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska The Wall Street Journal.

Warbixinta ayaa sheegtay in dalabka Xuutiyiinta uu yimid kaddib markii Sacuudi Carabiya ay la xiriireen kooxda oo markaasi la wareegay magaalada istaraatiijiga ah ee Al-Mokha, oo ku taalla meel u dhow marin biyoodka Bab al-Mandab.

Ilo xog ogaal u ah wada hadalladan oo uu wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay ku doodeen in lacagtaasi tahay kharashka dib-u-dhiska dalka, kaddib sannado ay socdeen weerarro iyo xannibaado saameeyay Yemen.

Sidoo kale, kooxda Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay dalbatay in Sacuudi Carabiya si rasmi ah ugu aqoonsato inay yihiin Dowladda rasmiga ah ee ka jirta dalka Yemen.

Weli Dowladda Sacuudiga kama aysan hadlin xiriirkan la sheegay in la sameeyeen Xuutiyiinta Yemen.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo la dajiyay duleedka degmada Baraawe