Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Magaalada Laascaanood ee caasimadda dowlad goboleedka Waqooyi Bari waxaa maanta ka billaawday diiwaan galinta Doorashada goleyaasha deegaanka.
Shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari ayaa isugu soo baxay xarruunta guddiga doorashada ee Laascaanood.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kamid ah dadka isku diiwaan galiyay doorasho qof iyo cod ah.
Firdhiye oo la hadlay dadka deegaanka ayaa wuxuu sheegay in lagama maarmaan tahay talada loo celiyo Shacabka, si ay go’aan uga gaaraan aayahooda.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa kamid noqonaya dowlad goboleedyada si rasmi ah uga billaawatay diiwaan galinta dadweynaha ee Doorashada.
Hore waxaa guddiga doorashooyinka ay diiwaan galinta uga billaabeen Maamulada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari, halka aan weli aan la tagin Puntland oo si madaxbannaan u qabsatay Doorashada goleyaasha deegaanka iyo Jubbaland oo khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka.
Mustaqbal
