MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Dugsiyada iyo ganacsiyada magaada Mandhera ayaa la xiray kadib markii ciidamada Jubland ay gudaha u galeen magaaladaas.
Senatarka laga soo doorto magaalada Mandhera ee dalka Kenya, Cali Ibraahim Roba, ayaa ka digay xaaladda magaaladaas, isagoo tilmaamay in isku dhac imaan karo.
Senatarka Mandhera ayaa sheegay in joogitaanka ciidamadaasi sababay in ay xirmaan dugsiyada, ganacsiga hakad galo iyo barakaca qoysas badan oo ka cabsi qaba rasaas ka dhacda magaalada.
Senatar Roba ayaa ku tilmaamay arrintan mid dhaawac ku ah madaxbannaanida Kenya, isagoo ku eedeeyay dowladda dhexe ee Kenya khiyaano iyo masuuliyad darro.
Senatarka ayaa ku baaqay in Kenya ay xoogga saarato xiriirkeeda dowladda federaalka Soomaaliya halkii ay taageeri lahayd Jubaland, isagoo uga digay in haddii aan ciidanka laga saarayn Mandhera, dadka deegaanka ay is abaabuli karaan, taas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo sumcadda caalamiga ah ee Kenya.
“Dowladda ayaa qaadi doonta mas’uuliyadda dhimasho, dhaawac ama burbur ka dhaca Mandhera,” ayuu yiri sanatar Roba.
Hadalka adag ee ka soo yeeray Senetar Roba ayaa ku soo aadaya xilli dagaal culus oo dhawaan ka dhacay magaalada Beledxaawo looga adkaaday Ciidanka Jubbaland, iyagoo ugu dambeyn gudaha galay Magaalada Mandheera.
Mustaqbal
