Maxkamadda CQS oo xukun toogasho ah ku fulisay Rag ku eedeysan in ay dilal geysteen  

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay Saleebaan Xuseen Nuur Cali oo sidoo kale loo ganayay (Cali & Siyaaf) iyo Cabdulqaadir Abuukar Axmed (Nasru-diin & Saabir) oo horay dilal uga geystay Magaalada Muqdisho.

Labada Nin ee toogashada maanta lagu fuliyay waxa ay horay uga soo muuqdeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyaga oo ka sheekeenaya dilalka ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, mid kamid ah ayaa dilay nin ganacsade ahaa.

Kiisaskooda ayaa soo maray Maxkamadda Ciidamada qalabka sida sida eedeynta Xeer Ilaalinta iyo difaaca qareennada waxaana ugu dambeyn maanta lagu fuliyay xukunka dilka toogashada ah ee horay loogu riday.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaarey Dhuusamareeb

Read Next

MW JFS Xasan Sheekh oo maanta xarrig jaraya Xarunta Baarlamaanka DG Galmudug oo si casri ah loo dhisay