Ra’iisul wasaare Xamse oo billaabay la xisaabtanka Wasiirada XFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka Golaha Wasiirrada ee ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay sanadkii la soo dhaafay.

Wasiirada iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradaha ku mideysan horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa su’aalo lagu waydiiyay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyagoo ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay.

Wasiirada ayaa ka hadlay caqabadaha iyo waxqabadkooda la xiriira koboca dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam casri ah oo maaliyadeed, fududeynta ganacsiga iyo dhiirrigelinta warshadaha, qorsheynta maalgashiyo caalami ah, horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka, ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, dib-u-dhiska iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka hawada, dekadaha iyo waddooyinka, barnaamijyo shaqo abuur bulsho oo lagu garab istaagayo dhallinyarada iyo bulshada ku wooda nugul.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Wasaaradaha kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda iyo qorshayaasha u dagsan, laguna xisaabtamayo wasaarad walba shaqada ay hayso, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago horumarrada la gaaray.

Xukumadda Soomaaliya ayaa waxaa u buuxsamay saddexda sano, waxaana dhawaan ra’iisul wasaare Xamse sheegay in ay weli jiraan caqabado dhinaca amniga iyo dhaqaalaha.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Guddoomiye Shuute oo ka hadlay waayihiisa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Read Next

Magaalada Laascaanood oo looga diyaar garoobayo Doorashada Madaxda Maamulka Waqooyi Bari