Magaalada Laascaanood oo looga diyaar garoobayo Doorashada Madaxda Maamulka Waqooyi Bari

Magaalada Laascaanood waxaa ka socda diyaar garowga Doorashada Madaxda sare ee Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, iyada oo dhawaan la dooranayo Guddoonka Baarlamaanka.

Mas’uuliyiinta u tartamaya kursiga Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta jeediyay khudbado ay uga hadlayaan diyaar garowgooda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in Baarlamaanka Waqooyi Bari looga baahan yahay in ay howlahooda u gutaan si waafaqsan sharciga.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Maamulka Waqooyi Bari, kana shaqeynayaan dhismahiisa

Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay in ay ka shaqeyso dhismaha Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, waxaan dooneyna in shacabka ay yeeshaan matalaad” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli sidoo kale dhawaaan la qaban doono Doorashada Madaxweyna iyo ku xigeenkiisa ee Maamulka Waqooyi Bari.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Ra’iisul wasaare Xamse oo billaabay la xisaabtanka Wasiirada XFS

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maareeye cusub u magacaabay Dekadda Muqdisho