MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa la wareegay xaruun lagu tababaro Ciidanka Soomaaliyeed oo ku taalla magaalada Baydhabo, taasoo ay dhistay isla markaana muddo taageeraysay Dowladda Ingiriiska.
Kulan ay yeesheen Wasiir Fiqi iyo Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles Nicholas King, iyo saraakiil sare oo ka tirsan safaaradda Ingiriiska ayaa waxaa looga hadlay howlaha la wareegida xirada iyo sii wadida qalabeynta ciidanka.

Xaruntan oo si buuxda loogu wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa lagu wadaa in ay door weyn ka ciyaarto tababarka, tayeynta, iyo xirfadlayaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Koonfur-galbeed, si loo dardar galiyo dagaalka AS.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageeradeeda Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay in ay ka go’antahay tayeenta Ciidanka Qalabka Sida.
Mustaqbal
