RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
Taliyaha Ciidanka Xoogga, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha ciidanka ee dalkaasi, isaga oo kala hadlay dagaalka AS iyo arrimo la xiriira Amniga.
Wafdiga Taliyaha ayaa kormeeray xarruunta guud ee ciidanka Difaaca Talyaaniga, waxaana soo dhaweeyay dhigiisa dalka Talyaaniga Jeneraal Lusiyaani Bortolano oo la wadaagay khibradaha ciidan iyo sida loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.
Saraakiisha Talyaaniga ayaa wafdiga taliyaha u sheegay in ay sii wadi doonaan tababarada iyo taageerada ay siiyaan Ciidamada Soomaaliya, loo dardar galiyo howlgallada ka dhanka ah AS.
Safarka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ay leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed oo dhow.
Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan saraakiil iyo tababarayaal Talyaani ah, kuwaasi oo taageera askarta Soomaalida.
Mustaqbal
