MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri:
“Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulanka maanta uga wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya ee labada dal ee ku dhisan wax-wada qabsiga”
Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta ayaa leh xiriir saaxiibtimo oo dhow, iyaga oo iska caawiya dhinacyada Amniga, dhaqaalah iyo siyaasadda.
Mustaqbal
