Ciidanka Booliiska oo soo xiray askari jirday gabar Soomaaliyeed

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Axmed Nuur Maxamuud, oo ah askari ka tirsan ciidamada dowladda, kaasi oo ku eedeysan in uu si ula kac ah jir-dilay gabar Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha lasoo xiray, isla markaana ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo xaqiiqooyinka kiiska.

“Falkan xadgudubka ah waa mid si cad uga hor imaanaya sharciga dalka iyo anshaxa ciidamada qalabka sida” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Boolisku waxay sidoo kale sheegeen in Axmed Nuur Maxamuud la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh si loo waafajiyo sharciga iyo caddaaladda.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa adkeeyay in aysan marnaba indhaha ka laaban doonin fal kasta oo xadgudub ah oo ay geystaan askarta dowladda, iyagoo caddeeyay in qofkii lagu helo ku takrifal awoodeed iyo falal ka dhan ah shacabka uu la kulmi doono ciqaab waafaqsan sharciga.

Mustaqbal

 

 

MM News

Read Previous

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo Danjiraha dowladda Imaaradka?

Read Next

Mareykanka oo canshuur ku soo roogay Yaanyada uga timaada Mexico