Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa faah-faahin ka bixiyay Xaaladda Dalkiisa, Dagaalka ka dhanka ah Ruushka, Duqeynta sababtay dhimashada & dhaawaca, burburka dalkiisa gaaray iyo iska caabinta ay wadaan Ciidanka & Shacabka Ukraine.
Zelenskyy oo 24kii saac mar la hadlay Warbaahinta si uu ugu soo bandhigo khasaaraha ka dhashay dagaalkiisa, guulaha ay ka gaaraan Dagaallada ka socda Gobollada kala duwan ee Ukraine & fariimaha uu dirayo ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu joogteeyay duqeymaha uu wado.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa tilmaamtay in 24kii saac lasoo dhaafay in Ruushka duqeymo gaaraya 34 ka geystay uu ka geystay Gobolka Donetsk, 15 ruux ayaa mar qura ku geeriyootay Magaalada Chasiv Yar.
Shacabkiisa ayuu ugu baaqay in ay garab istaagaan Ciidamada difaaca u hortaagan Ciidanka Ruushka ee weerarka ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022, Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay in Moscow ay ku fashilantay dagaalka.
Ruushka ayaa guul ka sheegtay dagaalka uu ku qaaday Ukraine, Moscow ayaa ku goodisay in ay soo afjareyso Ciidamada kasoo horjeeda ee Ukraine oo dhanka kale ay tilmaamtay in ay garab ka helayaan Kooxo “Calooshood u shaqeystayaal ah”.
Ukraine waxa ay qudheeda sheegatay in ay iska caabbin xooggan kala hortagtay Ruushka, Kyiv ayaa sheegtay in dagaalka ku waqti dheeraaday Moscow in ay ku ogaatay awoodda aan la dahaari Karin ee ay leeyihiin ciidankeeda.
Mustaqbal
