Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Sida ay Shaacisay Wasaaradda Warfaafinta dalka Eritrea; madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud; oo uu wehliyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku arko dhallinyarada Warkooda la waayey waxa uu ku tegey goob dowladda Eritrea; ku diyaarisay dhallinyaradaas oo Warbaahinta Eritrea; sheegtay in ay tababar Military qaadanayeen muddo 3; Sano ah.
Sida ay Sheegtay Warfaafinta Eritrea; madaxa tababartayaasha ee dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku maqnaa dalkaas ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Faahfaahin kooban ka siiyey tababarka isaga oo u sheegay madaxweynaha in ay qaateen tababar ciidan oo ku habboon islamarkaana ay Waaya-aragnimo kusaabsan dhimaha dowlad iyo dal mideysan ka heleen dadka iyo dalka Eritrea! ayna diyaar u yihiin in ay gutaan Waajibka Waddaniga ah ee ka saaran dalkooda Soomaaliya.
Warfaafinta Eritrea’ waxa ay sidoo kale shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh ugu hambaleeyey tababartayaasha in ay si guul ah ku dhammeysteen tababarka ayna tahay in ay qayb waxtar leh ka noqdaan ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayna rumeeyaan rejada iyo riyada dadka iyo dowladda Soomaaliya, waxa ayna tababarkan ciidan ku sheegtay in uu ahaa mid aad u adag una culus, Website-ka Borkena oo isna ka hadlay tababarka ayaa sheegay in tirada tababartayaashu ay tahay 5,000, tababarkuna socday 3 sano oo xiriir ah.

Inkasta oo aan taliyuhu weli ka hadal arrintan islamarkaana uusan bixin wax cudur-daar ah haddana waxa ay u muuqatay in Taliyuhu uusan hayn wax xog ah balse uu Golasha shacabka siiyey Jawaab aan sugnayn
Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin Daahir) agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo ka hadlay arrintan isaga oo jooga dalka Turkiga June-2022 ayaa xaqiijiyey in ay jiro ciidankaas islamarkaana ay qortay hay’adda NISA
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay isaga oo xilka wareejinaya waxa uu sheegay in uu jiro ciidan Dowladdu tababar ugu dirtay dalka Eritrea.
Mustaqbal Media, Borkena News & MOIE
