Xuutiyiinta Yemen oo gantaalo ku weeraray garoonka diyaaradaha Abu Dhabi

Maxamed C/salaan oo ah af-hayeenka Jabhadda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay diyaarado gacan ku sameys ah oo ka tirsan ciidanka cirka ee jabhadda Xuuthiyiintu ay weerar ku qaadeen  garoonka diyaaradaha Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta.

Sida laga soo xigtay telefishinka xuutiyiinta,sadex diyaaradood oo nooca macmalka-ka ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Abu Dhabi Khamiistii na dhaaftay,waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen goob istiraatiji ah.

Sarkaal u hadlay dowlada Imaaraadka Carabta ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in haba yaraate wax weerar ah aan lagu qaadin madaarka Abu Dhabi.

Wararka kalena waxa ay sheegayaan in uu jiro dhab ahanyshiyaha weerarkaasi ay xuutiyiinu qaadeen kaasoo la sheegayo in uu sababay hakad ku yimid duulimaadyada Garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi balse aan la ogeyn ilaa hada cidda wax ku noqotay.

Maamulka garoonka Abu Dhabi ayaa shaaciyey in fal ka dhacay garoonka Abu Dhabi, kaas oo geystay burburka gaari ka dhex adeega garoonka, kaas oo qaada Sahayda iyo qalabka dadka dhoofaya, waxa uu kale oo sheegay maamulka garoonka Abu Dhabi in aan dhacdadaasi wax saameyn ku yeelan diyaaradaha ka baxaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka Abu Dhabi

Maxamed C/salaan; afhayeenka Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay in Caasimadaha dowladaha isbaheysiga wada dagaalka Yamen gaar ahaan Imaaraadka iyo Sucuudiga aan nabad lagu seeaxan doonin, dagaalkuna uu dhaafi doono xadka Yamen

 

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiir Cawad oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Read Next

Dhageyso: Feysal Waraabe oo Weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Muuse Biixi