Safar uu ugu maqnaa dibada kadib ayuu dib ugu laabtay magaalada Hargaysa Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee ucid faysal cali waraabe waxa uu si lama filaan ah uga hadlay kulankii uu magaalada Brussles kula qaatay madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Faysal waxa uu si cad u sheegay in madaxweyne farmaajo aanu wax lug ah ku lahayn colaada ka taagan deegaanka tukaraq ee goolka Sool oo ay weli isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.
Faysal cali waraabe ayaa sidoo kale hadlay Xukuumada Muuse Biixi uu hogaamiyo iyo waxa ay qabatay mudadii ay xilka haysay waxa uuna sheegay in aysan Xukuumada madaxweyne Biixi qiil ka dhigan faysal baa Farmaajo la kulmay ee ay soo bandhigto waxyaabihii ay qabatay mudadii ay talada Somaliland haysay.
Shacabkii Hargeysa ku soo dhaweeyay ayuu ka codsaday iney qiimeeyaan waxa uqabsoomay Muuse Biixi maadaama Xafiiska uu fadhiyo Todobo Bilood.
Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha UCID:
