Xisbiga Waddani oo Xukumada Somaliland ku eedeeyay in ay wateen ilaalo iyo gaari ay lahaayeen.

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu ku eedeeyaya xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi in ay gaari iyo ciidamo ilaalo u ahaa Gudoomiyaha Xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cirro uu ka qaatay.

Afhayeenka ayaa sheegay in gaariga iyo askarta Godoomiye Cirro shalay laga dhex qabtay Hargeysa isla markaana lageeyay xeryaha Booliska Somaliland.

Sidoo kale afhayeenka Xisbiga ayaa cadeeyey in ciidamadii ilaalinaayey Gudoomiye Ciro dib loogu yeeray xeryahihii ay ka tirsanaayeen.

Xisbiga ayaa waxaa uu xukuumada ugu hanjabey isla markaana u qabtey in gaariga gudoomiye Ciro ku soo celiso muddo 24 sacadood ah sida uu sheegay afhayeenka xisbiga waddani ee Somaliland.

MM Staff

Read Previous

Shir looga hadlayo dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo,Sawirro.

Read Next

Madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya kulan ku yeeshay Garoowe.